Jaceylka beenta ah iyo waxa ku kallifa kuwa jila - BBC News Somali (2024)

Jaceylka beenta ah iyo waxa ku kallifa kuwa jila - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaar badan oo inaga mid ah waxaan maqalnay odhaahda ah, ku arkay oo ku caashaqay, iyo filimaan badan oo lagu matalayo ‘jacayl qoto dheer’ oo lamaane dhex marka isla marka ay is arkaanba.

Sida ay aamin sanyihiin xeel dheerayaasha cilmu nafsigu, waxay sheekooyinka noocan ah ku tilmaameen khayaano shucuureed iyo ‘bam jacayl’.

Maxay tahay jacaylka la isku qarxiyo?

Badanaa waa in lamaane uu midi kan kale si xad ka bax ah ugu dhaga nuglaado dareen jacaylna ugu muujiyo, tan oo badanaa dhacda xilliyada ugu horeeya ee xiriirka.

Haddaba dhaqankan kalgacaylka loo ekeysiiyay ayaa ka mid noqon kara olole weyn oo la damacsan yahay in qofka jacaylka lagu hafinayo, lagu xadgudbo maskax ahaan iyo qalbi ahaan.

Alehandra oo ah naqshadeeye kana soo jeedda dalka Columbia ayaa laanta afka Mundo ee BBC-da ku tiri: “Hadda ayumbaan kasoo baxay xiriir aanan waxba ka dheefin, waxaanan si dhaqso ah u galay mid kale.”

“Wax walba ayuu igu casuumay, makhaayadbuu mar walba igeyn jiray, Malinka oo dhan ayaa wada sheekaysan jirnay, wuxuu ii raaci jiray jiimka ina sugi jiray saacado si uu guriga iigu celiyo. Wuxuu sidoo kale I geeyay milan, aad ayey iiga tan badatay.” Ayey triri.

Odhaahyada ay ka midka yihiin ‘Mar walba waan kaa fikiraa, 'waxa aan rabaa in aan kaa farxiyo', ama 'waxaan rabaa in aan kula joogo mar walba' waa wax fiican, laakiin sidoo kale mararka qaarkood waxay noqon karaan digniino muujinaya in laga gudbay qadka xiriirka caafimaadka qaba.

Run ahaantii, farqiga u dhexeeya “bamka jacaylka” iyo jacaylka caafimaadka qaba wuxuu noqon karaa wax lagu wareero. Balse waa caadi in la dareemo rajo la'aan jacayl marxaladaha hore ee xiriirka, sababtoo ah hormoonnada iyo neerfaha dareenka qaada ayaa ku jira meeshii ugu sarreysay xilligaas.

Khubaradu waxa ay isku raaceen in aanay wax dhibaato ah ku jirin in jacayl adag oo qoto dheer la isu muujiyo.

Jaceylka beenta ah iyo waxa ku kallifa kuwa jila - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa cad in maskxadeenu si cajiib ah ugu laylyan tahay soo celcelinta xaaladaha inoo horseeda inaan dareenoo farxad, sida, hadiyadaha, kalgacalka iyo erayada wanaagsan. Tan waxaa loo yaqaan, nidaamka abaalmarinta.

Tusaale, nidaamkani waa isla kan inagu xira waalidkeen iyo dadka innna xanaaneeyay xilliga caruurnimada, wuxuuna aasaas u yahay kobocenna shakhsiyadeed.

Haddaba xaaladda ‘hafinta jacaylku’ waxay ka faaiideysnaysaa, shaqadan iyada ah ee maskaxdeenu qabato. Ugu horeyn, qofka hela dabeecad jacayl oo xad dhaaf ah wuxuu baranayaa in uu mar walba lamaanihiisa ka fisho dabeecaddan “abaalmarinta” wuxuuna si wanaagsan uga falcelinayaa marka uu helo xannaanada noocan ah. Intaas ka dib wuxuu qofku maskaxdiisa ku sawiranayaa in lamaanihiisu yahay kii ugu fiicnaa ee uu u baahnaa.

Alehandra waxay leedahay, markiiba waxaan u qaaday dareen adag lamaanahayga waxaana bilaabay in aan u nuglaado.

Aad ayaan ugu riyaaqay. Xitaa wuxuu iisoo jeediyey in aan waxbarasho isla aadno Ingiriiska. “waxan oo dhan waxay dhacayaan laba bilood gudahood markii uu xiriirku bilowday.” Ayey leedahay Alehandara.

Balse haddana hal mar ayuu qofka samaynaya ‘bamka jacaylka’ wuxuu la laabanayaa dhamaan wixii uu lamaanuhu uga bartay.

Intaas ka dib qofka jacaylka lagu hafiyey wuxuu bilaabayaa in uu ka tanaasulo waxayaabo badan si uu u helo abaal marintii uu u bartay. Waxaa suurta gal ah in uu dib dhigo ama joojiyo ballan uu la lahaa qoyskiisa ama saaxiibadiis isaga oo rajo ka qaba in haddii uu waqti badan ku bixiyo lamaanihiisa, uu soo celin doono xannaanadii.

Amaba xaaladaha qaar waxaa laga yaabaa in aad ogalaato talaabo gogoleed oo aadan si kale ku ogalaateen, si aad mar kale u dareento in lagu jecel yahay. Ugu dambeynta waxaad la yaabaysaa sababta uusan jacaylkaagu kuugu muujinayn galacal badan sidii horeyba uu deeqsiga ugu ahaa.

Alehandra waxay leedahay: “ wuxuu bilaabay in uu is baddelo, sidii hore uma muuqanayo, waxaanan bilaabay in aan dareemo xasilooni darro, cabsi iyo wareer/yaab. Waxaan bilaabay in aan anigu iska shakiyo oo aan u maleeyo in aan anigu buunbuuninayo xaaladda. Waxaan ahayn dad mar waliba sheekaysta, hal mar ayumbaana la waayey meel uu ka baxay.

“Mar dambe oo aan kulanay, wuuba is badalay wuxuuna bilaabay in uu aniga iga cawdo sida aanan u liqin kiniinka ka hor tagga uurka. Aad ayey taasi ii xanuujisay waayo waxaan doonayey in aan ilmo isu dhalno.” Ayey tiri.

Intaas ka dib xiriirku wuxuu noqonayaa ila meerayso iyo in uu kusoo laalaabto hal meel isla markaana uusan soo af jarmin. Mar waliba oo qofka xad gudubka waday uu dareemo in uu awoodda luminayo wuxuu dib u bilaabaa wanaaggi looga bartay oo matalaad ah si uu mar kale u hanto xakamaynta lamaanaha.

Nafsiga qofka samaynaya hafinta jacayllka

Jaceylka beenta ah iyo waxa ku kallifa kuwa jila - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cadow uun iskama aha qofka sidan samaynaya, ee sida ay u badanyihiin dadka maskax ahaan ama jidh ahaan ku xad gudba kuwa kale, Waxaa jirta cillad shakhsiyadeed oo haysata.

Si guud, inta badan falalka hafinta jacaylku waa istiraatijiyad uu qofku u isticmaalo si aan ku tala gal ahayn, waana falcenlinta cagliga qofka qaba dhibaatada loo yaqaan ‘narcissism’ iyo isku kalsoonaan la’aanta. Tani waa natiijada daraasad ay samaysay barfasoore Clare Strutzenberg oo dhigta jaamacadda Pennsylvania.

Waxay sharraxaysaa in goorta uu qofkani soo bandhigayo danaynta iyo xannaanada xad dhaafka ah uu rajaynayo “xaqiijin ah in la jecel yahay uu qurxbadan yahay loona baahan yahay”.

”Dhanka kale dadka aan nasiib u helin in ay samaystaan xiriir caafimaad qaba ayaa u dhow in ay ku dhacaan kuwa adeegsada hafinta jacaylka,” ayey tiri Clare oo ah dhaqtar cilmu nafsi oo ku takhasusutay xiriirka jacaylka.

Khayaaliga ah in aad loo jecel yahay ayaa dareensiinaya xiriir adag waxayna u nuglanayaan in la khiyaameeyo si fudud.

Jaceylka beenta ah iyo waxa ku kallifa kuwa jila - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sideed ku ogaan karta in sidan lagugu samaynayo?

Ma jirto si la isla wada ogyahay oo lagu garan karo in hafin jacayl lagugu wado iyo in kale. Isla dabeecadahan iyo dhaqanka ayaa noqon kara mid wanaagsan marka la sameeyo xiriir caafimaad qabo oo aan ujeeddo kale laga lahayn, halka ay dhibaato iyo dhaawac ku noqon karaan mid kale. Isku soo duuduub oo, waxay ku xiran tahay sida aad daacad u tahay iyo sababta aad u adeegsanayso talaabooyinkan ‘abaal marinta‘. Waxaanaba suurta gal ah in la garto u jeedada qofka kale.

Haseyeesee haddii aad dareento in xannaada iyo daryeelka lamaanahaagu xoogaa xadka ka baxsan yihiin oo aad ka shakidu in aysan daacad ah ahayn; waxaad ku ogaan kartaa in jacayl lagugu hafinayo iyo in kale, toddobadan siyaabood.

  • koolkoolin oo xadka ka baxsan. sida in la yiraahdo 'waan ku jeclahay' toddobaadka ugu horreeya ee is barashada, halka dadka caadiga aysan xitaa haysan kalsoonida lagama maarmaanka ah, waxay calaamad u tahay khatar.
  • Qofka oo kuu sheegaya inuu rabo in uu waqtigiisa oo dhan kugu bixiyo, taas oo u muuqata in aad laguuu jiecel yahay, laakiin waxay noqon kartaa tallaabada ugu horreysa ee kaa fogeyn doonta asxaabtaada iyo qoyskaaga. Go'doominta waa xeelad aad wax ku ool ugu ah kuwa xad gudba si ay awood iyo maamul kuugu helaan.
  • Ammaan xad dhaaf ah isaga oo ku sheegaya inaad tahay qofka ugu quruxda badan ee uu abid la kuolmay ama inaad tahay wax kasta oo ay waligood ku riyoonayeen, waxaa laga yaabaa inaysan jacayl ahayn sida ay u muuqato. Ka fiirso bogaadin la buunbuuniyay oo u eg inaysan kuu gaar ahayn adiga.
  • Bixinta hadiyado badan, waxay noqon kartaa nooc ka mid ah dabin, gaar ahaan haddii ay ku dareensiiyaan in aad si uu u magdhawdo abaalka.
  • Qof xadgudubka soo wada ayaa si xad dhaaf ah u wada xidhiidhka, tusaale ahaan, wuxuu kula hadlaya maalinta oo dhan isaga oo kuu sheekaynaya ama kusooo wacayaw. Waa u caado in ay kuu sheegaan in aysan dan kale oo adiga aan ahayn aysan ka dhicin ama ugu yaraan ay sidaas ku dareensiiyaan, dadka noocan ahi.
  • Masayrka iyo aamin baxa daacadnimadaada waxay sidoo kale noqon kartaa siyaabo uu qofka jacayllka kugu hafinayaa doonayo in uu kuugu muujiyo 'jacaylkiisa adag' oo uu ku dareensiiyo in aad tahay qof xun oo aan fahmin sida loo jecel yahay.
  • Haddii uu lamaanahaagu bilaabo in uu iska baddalo ‘qofka aduunka kuu jeclaa‘ kadibna uu bilaabo in uu kuula dhaqmo si qallafsanaan ah ama aadan uga baran oo xun, waxay u dhowdahay in uu helay qof kale.

Dabcan, Huntington waxay xoogga saaraysaa inaan iska ilaalino shakiga badan.

Jaceylka beenta ah iyo waxa ku kallifa kuwa jila - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Mrs. Angelic Larkin

Last Updated:

Views: 5853

Rating: 4.7 / 5 (67 voted)

Reviews: 90% of readers found this page helpful

Author information

Name: Mrs. Angelic Larkin

Birthday: 1992-06-28

Address: Apt. 413 8275 Mueller Overpass, South Magnolia, IA 99527-6023

Phone: +6824704719725

Job: District Real-Estate Facilitator

Hobby: Letterboxing, Vacation, Poi, Homebrewing, Mountain biking, Slacklining, Cabaret

Introduction: My name is Mrs. Angelic Larkin, I am a cute, charming, funny, determined, inexpensive, joyous, cheerful person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.